Muqdisho-RisaalaFM- Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala oo galabta ka duwanaa Tartamadii horey u soo dhici jiray ayaa waxaa galabta la qabtay Labo kulan.
Kulanka hore oo aad u uxiiso badnaa ayaa waxa uu dhexmaray degmooyinka Howlwadaag iyo Dharkeynley oo ka wada tirsan gobolka Banaadir, waxaana galabta guusha ay raacday degmada Dharkeynley, iyadoo degmada Howlwadaag galabta ay gabi ahaan isaga hartay Tartanka degmooyinka Idaacadda Risaala.
Sidoo kale kulanka hore marka uu soo idlaaday ayaa waxaa jiray kulan kale oo u dhaxeeyay degmada Wadajir oo ka socotay gobolka Banaadir iyo sidoo kale degmada Awdheegle oo ka socotay gobolka Shabeelaha Hoose.
Degmada Wadajir ayaa galabta sidoo kale iyaduna waxa ay guul ka gaartay degmada Awdheegle, inkastoo Awdheegle ay dadaalo fara badan ay sameysay galabta laakiin ma aysan u suurta galin in ay usoo gudubto qeybaha kale ee tartanka ooo gabi ahaanba waxa ay ka hartay Tartanka.
Shirkadda Cabitaanada COACA COLA ayaa sanadkan taaba geliso tartan aqooneedka Degooyinka Idaacadda Risaala.
Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo ka mid ah Guddiga Tartanka Degmoooyinka Idaacadda Risaala ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natiijada Degmooyinkii galabta tartamay.
Maalinta beri ah hadii uu Alle idmo oo Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay noqon doonto 25 sidoo kale waxaa jiri doona labo kulan, kulanka hore ayaa waxa uu dhexmari doona degmooyinka kala ah C/casiis iyo Yaaqshiid halka sidoo kalena kulanka xiga uu dhexmari doono Kaxda iyo Waaberi.
