Maalmihii la soo dhaafay ayaa Gaadiidleyda ka Shaqeysa inta u dhaxeysa Magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan waxaa ay ka cabanayeen kooxo hubeysan oo isbaarooyin soo dhigta wadadaas ayaa waxaa arrintaasi jawaab ka bixiyay taliska qeybta Booliska Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle.
Howlgal isbaaro qaadis ah ayaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay Cidiamada Booliska hir-Shabeelle ka sameeyeen inta u dhaxeysa Magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan, isla markaana ay qaadeen isbaarooyin dhowr ah oo yaallay wadadaas.
Kusimaha taliyaha Ciidamada qeybta Booliska Gobolka Hiraan Col Cali Dhuux Cabdi Mahadalle oo Warbaahinta kula hadlay Baladweyne ayaa sheegay in isbaarooyinkii yaallay kooxihii digtay ay tallaabo ka qaadeen,isla markaana xilligaan aysan jirin wax isbaaro ah oo yaalla.
Waxaa uu sheegay in qaadista Isbaaradaas ay siwadajir ah uga wada qeyb qaateen,Maamulka gobolka Hiiraan,Taliska Booliska, iyo waxgaradka iyo Odayaasha Magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan ee Gobolkaasi Hiiraan.
Dhinaca kale kusimaha taliyaha Ciidamada qeybta Booliska Gobolka Hiraan Col Cali Dhuux Cabdi Mahadalle ayaa digniin ka soo saaray waxyaabaha maanka dooriya oo qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan laga isticmaalo,isaga soo sheegay in cid allaala cidii lagu arko tallaabo laga qaadi doono.
Si kastaba Warkan kasoo yeeray taliska Booliska Gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay falal amnidarro ay ka jireen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo Magalada Baladweyne ka mid tahay halkaas oo dhawaan weerar lagu qaaday Saldhiga Booliska Magaaladaas.

