Wararka naga soo gaaraya degmada Xawaadleey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu fatahaad xoogan saacadihii la soo dhaafay ka geystay Wabiga Shabeelle ee mara degmadaas.
Guddoomiyaha degmada Xawaadleey Muuse Maxamed Cabdiraxmaan ( Baaleey) ayaa sheegay in Dhul beereed aad u farabadan uu baabi’iyay fatahaada, isla markaana degaano horleh oo katirsan Xawaadleey uu ku fiday.
Guddoomiyaha oo Wareysi siiyay Warbaahinta Risaala ayaa sheegay in ka maamul ahaa ay sameeyeen dadaalo ay ku joojinayaan fatahaada, balse ay awoodi waayeen, isaga oo baaq u diray dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha degmada Xawaadleey

