Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGESO: Al-Shabaab oo lagu eedeeyay in ay gubeen Gaadiid

Gudoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool oo la hadlay idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay gubeen Gaadiid ay la haayeen dad Shacab ah.

Cabdullaahi Yaarisow Gudoomiyaha degmada Waajid ayaa sidoo kale tilmaamay in degmada Al-Shabaab ay geliyeen go’doon xooggan ,islamarkaana aysan ogoleyn in wax lasoo galiyo.

Waxaa uu xusay in Al-Shabaab ay dilayaan dadka gaari dameerada Alaabta kusoo galinayaan gudaha degmada ,islamarkaana ka keenaya Magaalooyinka kale.

Degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa tan iyo markii laga saaray Xarakada Al-Shabaab waxaa ay ku jirtay go’doon xooggan.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/05/cod-1Gudoomiyaha-wajid-.mp3?_=1
Exit mobile version