Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DFS oo War kasoo saartay siyaasadda aqoonsiga & diiwaangelinta Dadweynaha

Marka ay caddaatay in ay:

Ujeedooyinka Siyaasadda

Iyadoo ka ambaqaadeysa arrimaha kor ku xusan, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) waxay ku dhawaaqeysaa in ay gaarto ujeedooyinka soo socda:

Erayada loo isticmaalay siyaasaddan waxaa lagu soo bandhigayaa “Eraybixinta” ku xusan Lifaaqa 5aad (Annex 5). Dhammaan lifaaqyada siyaasaddan waxay la socdaan qoraalkaan si loo tixraaco.

Hirgelinta

Si loo xaqiijiyo ujeedooyinka kor ku xusan, Xukuumadda Federalka Soomaaliya, waxay ku tilaabsaneysaa hawlaha soo socda:

o In uu qeexo ujeeddada nidaamka aqoonsiga ee ku cad siyaasaddan; farsamada lagu soo bandhigo nidaam xubnihiisa oo ay ka mid yihiin xeerarka suurtagelinaya isku xirka iyo la shaqeynta nidaamyada aqoonsiga kale oo jira; nooca hor-xogta la uruurinayo (Annex 2); habraaca iyo shuruudaha diwaangelinta iyo helitaanka aqoonsiga (Annex 3); bixinta iyo isticmaalka sifaadka kaarka Aqoonsiga; iyo farsamada iyo habka lagu hubinayo ama lagu caddenynayo;

o In ay ku cadyihiin awoodaha, hawlaha, iyo arrimaha gaarka ah ay kala leeyihiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u- heshiisiinta (Wasaaradda) iyo Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta ee Federaalka (Federal Identification & Registration

Agency – FIRA ama Hey’adda). Sida lagu faah-faahinaya Sharciga:

▪ Wasaaraddu waxay u xilsaaran tahay in ay dejiso siyaasadda (policy), ka shaqeeyso sharciga iyo aaladaha shuruucda ee arrintan khuseeya, ay dhisto maamulka FIRA, ay Golaha Wasiirada u gudbiso qoondada miisaaniyadda FIRA, iyo in ay kor ka eegto FIRA;

▪ FIRA waxay noqonaysaa hey’ad madax-bannaan hawl iyo maamul ahaan mas’uulna ka ah maaraynta hawlaha la xariira aqoonsiga dadweynha ku nool dalka. (Eeg Lifaaqa 1 oo ay ku qeexanyihiin hawlaha gaarka ah);

o [In ay hubiso, si sharciga la mid ah, caddaynta “digital”-ka ah, dukumeentiga “digital”-ka ah, iyo heshiisyada “digital”-ka ah;] iyo

o In ay hubiso jiritaanka iyo caddeymaha Tirsiga iyo/ama dukumentiga aqoonsiga ee la siiyey dadka leh Tirsiga—illaa iyo xadka loo baahanyahay in ay u furnaato helitaanka adeegyadakala duwan ee dawliga iyo kuwa gaarka ah, iyo howl-dhacyada la

xariira (related transactions);

o In loo uruuriyo, loona maareeyo, sifa-shaqsiyeedka iyo hor-xogta xog-dhalyada (biometric) shaqsiga si xafidan, tayeysan, waarta, loona keydiyo si waafaqsan halbeegga farsamada iyo shuruucda caalamka, iyo iibka dhexdhexaadiga ah;

o In la hubiyo in aqoonsi kasta oo la qoray uu yahay mid soo dhac ah;

o In qof kasta oo deggan dalka, ka bilaabata marka uu dhasho, hor- xogtiisa la qoro, lana siiyo Tirsi mar-dhac ah oo aan mar kale lagu celin karin;

o In kaarka aqoonsi la siiyo qof kasta oo qaangaar ah oo deggan dalka, sida sharcigu qabo ama xeer dhaqangalay;

o In loo igmado xubin seddaxaad (oo ka baxsan FIRA iyo shaqsiga) hubinta iyo caddeynta aqoonsiga shaqsiga; xubintaas oo ka imaan karta hey’adaha dawliga ama kuwa gaarka loo leeyahay;

o In loo soo bandhigo dadka is diwaangeliya macluumaadka ku saabsan heerka diwaangelintooda, kaarka aqoonsiga la siiyey, wargelin iyo codsashooyin kale ay qabaan, ee ku saabsan isticmaalka iyo daahfurnaanta hor-xogtooda.

Tilaabooyinka Xiga iyo Hawlaha Ku-meelgaarka

Guddigani wuxuu ku hawlgelayaa hirgelinta siyaasaddan laga bilaabo marka ay dhaqangasho, si sharci ahna lagu dhiso FIRA mudda xiliyeedkandhexe (“Interim Period”), iyada uu la socdo Unuga Hirgelinta Mashruucan (Project Implementation Unit). Hawsha loo igmaday Guddiga (Terms of Reference) waxay ku xusantahay “Annex 6”. Marka laga gudbo xilli- dhexaadka maamulka ku-meelgaarka, Guddiga hawsha waday (Task Force) waa in uu FIRA ku wareejiyaa dhammaan heshiisyada la galay (ay ka mid yihiin dhammaan xuquuqaha iyo mas’uuliyadaha la socda), hawlihii qabsoomay, hanti, imkaaniyaad, deymo iyo wixi kale ee Guddigu qabtay iyo kharashkii uu galay xilli-dhexaadki; marka uu intaa guto kadib, Guddigu waa kala tegayaa. Si looga hortago shakiga, waa in uu Guddigu (Task Force) sharciga, xeerarka, iyo awaamirta Xukuumadda

waafajiyaa dhammaan hawlihii uu qabtay, tilaaboyinkii uu qaaday, hantidii iyo imkaaniyaadkii uu hayey, iyo wixii deymo, heshiisyo iyo mas’uuliyado uu qaaday ka dib marka laga gudbay xilli-dhexaadki.

(Faah-faahinta hawlaha Guddiga Maamulka Aqoonsiga ka eeg Lifaaqa 6aad)

LIFAAQA 1aad

AWOODAHA IYO WAAJIBAADKA HEY’ADDA

FIRA waxay ku hawlgeleysaa si sharci ah, wayna u madaxbannaan tahay miisaaniyad iyo hey’ad ahaanba.

FIRA waxay yeelaneysaa awood iyo sharci, ay ka mid yihiin, in ay geli karto heshiis, lahaan karto hanti, maareyn karto miisaaniyaddeeda, amaahan karto lacag, dacwad soo oogi karta laguna soo oogi karo.

FIRA waxay mas’uul ka tahay hirgelinta nidaamka kaarka “digital”ka ah, sida sharcigu dhigayo. Sidaa darteed, hey’adda waxaa laga filayaa in ay qabato, waxyaala ay ka midyihiin, kuwa soo socda, si ay u gudato hawlaha loo igmaday:

  1. a) In ay dejiso halbeegga, “protocols”ka iyo aragti-siyaasadeedka, oo ay ka mid tahay in ay shati siin karto xubin seddaxaad, si ay u uruuriso hor- xog, kormeertana habraaca qoridda iyo diiwaangelinta dadka;
  1. b) In ay hubiso xafidaadda hor-xogta aqoonsiga iyo in si mas’uul ah, tayeeysana, u maareyso kaydka hor-xogta Federaalka;
  1. c) In ay bixiso tirsi aqoonsi oo asaasi ah iyo dukumentiyo aqoonsi oo kale, ayna xaqiijiso in qof kasta oo dalka deggan ay fursad u yeelato aqoonsi asaasi ah;
  1. d) In ay siiso wasaaradaha, hey’adaha la wada leeyahay iyo kuwa gaarka loo leeyahay, oo ay si gaar ah u saameyso, adeegga hubinta iyo xaqiijinta aqoonsiga;
  1. e) In ay qabato xog isweydaarsi, waxbarasho, iyo isgaarsiin si ay u xaqiijiso nidaamka kaarka aqoonsiga oo ah mid caam ah oo furan iyo sifooyinkiisa;
  1. f) In ay cilmibaaris ku sameyso tabaha iyo habraaca ugu wanaagsan ee caalamka ka jira ee ku saabsan aqoonsiga si ay hey’addu mar kasta ugu heegnaato adeega dadka dalka deggan;
  1. g) In ay si joogta ah isugu hawsho xoojinta tayada iyo aqoonta shaqaalaha isla markaana ay daneeyayaasha guud ugu wargeliso xeerarka iyo habraaca nidaamka kaarka aqoonsiga.

Abaabulka Xukunka iyo Magacaabista Maarenynta Hey’adda

Siyaasaddan iyo falgallada FIRA waxaa korjoogteynaya Guddi Agaasimeed (Board of Directors). Xubnaha Guddiga, iyo laamaha kale ee xukuma, siiba maareyayaalka sare iyo shaqaalaha Hey’adda waxaa xilka loogu dhiibayaa, xilkana looga qaadayaa, si waafaqsan Sharciga iyadoo lagu saleynayo xaqiiqada jirta iyo sifaad daahfur leh. Maareeyayaalka iyo Guddi Agaasimeedka FIRA waxay xilka haynayaan muddo cayyiman.

Guddi Agaasimeedka FIRA wuxuu mar kasta ka faa’iideysanayaa wargelin ka timid Guddi Shaqo ee Talawadaagga Daneeyayaasha (Stakeholder Consultative Working Group) oo isugu jira deneeyayaalka guud, wasaaradaha ay khuseyso, matalayaalka Dawlad Goboleedyada Soomaliya, waaxda hey’adaha gaar loo leeyahay, bulshada rayyidka ah, iyo inta kale oo isticmaasha aqoonsiga, ama daneeyneysa hirgelinta suuban iyo falgallada nidaamka aqoonsiga “digital”ka ah ee Soomaaliya.

Sida ka muuqandoonta sharciga, xubnaha Guddi Agaasimeedka iyo laamaha kale ee xukuma Hey’adda waa in ay ka muuqato kala duwanaanta shacabka Soomaaliyeed, waana in uu habraaca magacabistooda iyo xil-u-dhiibistoodu ku saleysnaado mabaadi’da sinnaanta, loo dhammaashada iyo isu dheelitirka ijtimaaciga ah.

Iyadoo ay raaceyso mabaadi’daas, Wasaaraddu waa in ay ku soo dartaa laamahaas dumar, dadka laga tirada badan yahay, deegaan-joogtada Dawlad Goboleedyada Soomaaliya, xubnaha beesha ganacsatada, iyo xubnaha firfircoon ee ururada bulshada rayyidka ah.

Danaha iska hor Imaanayaa

Qofna xil kama qaban karo, mana sii joogi karo FIRA, ha ahaado xubin Guddi Agaasimeed ama shaqaale, haddii uu in laba sano ka yar uu si toos ah ama si dadban ula yeeshay adeeg-bixiyayaalka, ama kuwa daraf ka ah heshiis iib, la yeeshay xiriir lacageed, ganacsi ama dana shaqsiyeed, xag is dhaafsi qalab ama adeeg, oo la xiriira dhisidda ama falgalka FIRA.

Miisaniyad

FIRA waa hey’ad la wada leeyahay. Miisaaniyaddeeda iyo dakhligeeda waxay ka heshaa ilaha soo socda:

  1. a) Miisaaniyadda sanadlaha ee dawladda;
  2. b) Kab miisaaniyadeed oo ay ka hesho deeq-bixiyayaalka dalka iyo kuwa caalamka;
  1. c) Qaraamaad laga qaado loo adeegeyaalka (oo ku kooban hawlo dheeri ah oo kali ah); iyo
  1. d) Qaraamaad daraf seddexaad oo ku xiran adeegga xaqiijinta aqoonsiga.

Qaramaadka laga qaado loo adeegayaalka iyo xaqiijinta aqoonsiga waxaa lagu dejinayaa fiiro gaar ah si loo xaqiijiyo in ay sii jirto furnaanta nidaamka kaarka aqoonsiga si dhammaan dadka isticmaala ay u helaan adeegyada iyo “transactions”ka u baahan xaqiijinta FIRA.

LIFAAQA 2aad

SHURUUDAHA LAGU KASBANAAYO SIFADA AQOONSIGA

Mudnaanshada Aqoonsiga

Qof kasta oo ku nool dalka, marka laga reebo booqdayaalka, ayaa mudan in la siiyo dukumentiyada iyo tirsiyada aqoonsiga, xaqna u leh in la diiwaangeliyo si uu u helo tirsi iyo dukumenti aqoonsi.

Muwaadinnimo ma aha shuruud ku xiran diiwaangelinta iyo bixinta “Tirsi” ama kaarka aqoonsiga. Bixinta lambar Tirsi iyo kaarka aqoonsiga waxay suurta gelinayaan in qof kasta oo joogta dalka ay “muuqato”, ayna leedahay aqoonsi caddeynaya jiritaankiisa, kaasoo si baahsan ugu furaya adeegga iyo waxqabadka

Habraaca Xoojinta Aqoonsiga

Shuruudaha diiwaangelintu waxay ahaanayaan kuwa fudud, waxaana loo dejinayaa si ay dadku dhammaan si sahlan oo furan uga qeyb qaataan nidaamka aqoonsiga. Qof mudan in la siiyo aqoonsi looguma diidi karo diwaangelinta sabab dukumenti la’aan.

Dalacaad lacag

Diwaangelinta iyo bixinta lambarka Tirsi iyo sifaadka (sida, kaar) waxaa lagu bixinayaa bilaash si loo xaqiijiyo in si fudud kaarka aqoonsiga dadku u wada helaan.

Qaraamaad waa la qaadi karaa inta sharcigu ogolyahay, sida adeegyada hortebinta leh ama adeegyada caddeynta aqoonsiga ee adeegayaalku soo codsadaan.

Cabasho iyo Saxid

Qof kasta oo loo diido Tirsi iyo/ama aan buuxin sifooyinka lagu qaato wuxuu xaq u leeyahay in loo caddeeyo sababaha loogu diiday; waxaa kale oo uu xaq u leeyahay in uu racfaan ka qaato go’aanka hey’adda si mar dib loogu eego codsigiisa. Qofkani wuxuu xaq u leeyahay in waqti go’an loo siiyo jawaab waafi ah oo qoraal ah.

Go’aan U-dhammaasho Xagga Adeeg Bixinta

Lambarka Tirsi la’aanta iyo/ama sifaadka lagu helo qofna kama hor istaagi karto adeegga bulshada loo fidiyo. Haseyeeshe, hey’adaha qaarkood wey ku xiri karaan adeegyada ay bixiyaan “dukumenti” aqoonsi si ay u hubiyaan aqoonsiga codsadaha.

LIFAAQAA 3aad

URUURINTA HOR-XOGTA EE DIIWAANGELINTA

Uruurinta hor-xogta ee nidaamka aqoonsiga wuxuu la soconayaa mabaadi’da sharciga ku xusan, aan xaddidneyn, mabaadi’da isu dheelitirka, daahfur xaddidan, iyo takoor la’aan.

Ayada oo la raacayo mabaadi’dan, waxaa la xadidayaa caddadda goobaha la dhigayo hor-xogta ee diiwaangelinta, iyo soo bandhigidda sifaadka aqoonsiga qofka, kuwaas oo ku ekaandoona inta muhiimka u ah caddeynta aqoosiga iyo fududeynta helitaanka adeegga bulshada.

Lama uruurin karo macluumadka xasaasiga ah ee keeni kara qofka in lagu takooro diintiisa, isirkiisa (ethnicity), guurkiisa/madaxbannaanidda, iyo halka uu mujtamaca uga jiro xag dhaqaale iyo xag bulsho. Waxaa la soo jeedinayaa in hor-xogta la uruurinayo ay ku koobnaato kuwa soo socda:

  1. a) Magaca qofka, kan aabaha, iyo kan awoowaha/abkoowga
  2. b) Taarikhda uu qofku dhashay (maalinta, bisha iyo sanadka)
  3. c) Jinsiga (dhedig ama lab)
  4. d) Sawirka qofka
  5. e) Raadka faraha (10ka far) iyo/ama sumadda indhaha (IRIS)
  6. f) Lambarka talefoonka iyo/ama “emailka” qofka oo loo gol-leeyahay is gaarsiin iyo/ama caddeyn (waa akhtiyaarka qofka) hor-xogta la uruuriyo waxa lagu keydinayaa xog-dhigga FIRA.

LIFAAQA 4aad

SHURUUDAHA GUUD EE XAFIDAADDA HOR-XOGTA

  1. Qasdiga iyo Baaxadda Aqoonsiga

Sharciga waa in ay ku jiraan:

  1. Dhisidda Shuruudaha Sharciga ee Lagu Dabbaalayo Xafidaadda

Mabadi’da Hor-xogta

Sharcigu waa in uu soo hortabiyaa:

  1. Dhismaha Shuruudaha Shuruucda ee Lagu Difaacayo Xuquuqda Hor-

xogta Dadka

Dadku waxay leeyihiin xuquuqaha soo socda:

  1. Dhisid Falgal Hor-xogeed Mucayyin ah oo Xaddidan

Asbaabta lagu sameynayo falgalka hor-xogta waa in ay xaddidan yihiin oo si cadna loogu qeexo sharciga. Taas waxaa ka mid noqon karta:

  1. La dejiyo shuruuc khaas ah oo la xariira waajibaadka ilaaliyaasha iyo maamulada xogta
  1. La dejiyo kormeere madaxbanaan ee ilaalinta xogta

LIFAAQA 5aad

ERAYBIXIN

Erayada ku jira siyaasaddan waxay leeyihiin macnaha mid kasta ku hor qoran.

“Aqoonsiga Asaasiga (Foundational ID)”: Waa nidaam aqoonsi oo loo abuuray in uu fursad u siiyo qof kasta in ay hesho aqoonsi iyo sifooyin caam ah oo ay u

isticmaasho maamulka dawliga ah iyo adeegyada kala duwan ee baahsan, xagga hawl-qabadka (transactions), adeegyada, iyo sifaadka ka soo unkama, ee hay’adaha la wada leeyahay iyo kuwa goonida loo leeyahay.

“Aqoonsiga Adeegyada Gaarka (Functional ID)”: Waa nidaam aqoonsi oo loo sameeyey in lagu maareeyo aqoonsiga adeegyada gaarka ah oo loogu talagalay adeegyada iyo wax-is-dhaafsiga khaas ah, sida codeynta, maamulka canshuuraha, mashruucyada bulshada iyo adeegyada la xariira is-dhaafsiga iyo gudbinta lacagaha, iyo in ka badan.

LIFAAQA 6aad

WAAJIBAADKA GUDDIGA MAAMULKA AQOONSIGA (ToR of ID Task Force)

Guddiga Maamulka Aqoonsiga (ID Task Force) wuxuu sii wadayaa shaqada FIRA

ilaa laga sii dhisayo Sharciga Maamulka Aqoonsiga. Guddigu si ku meelgaar ah ayuu u sii degganaanayaa Wasaaradda, waxaana hawsha ku kormeeraya

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. Hawlaha Guddiga waxaa ka mid ah, balse aanay ku ekeyn, in uu qabto kuwa soo socda:

  1. Dhammaan hawlaha loogu xilsaaray siyaasaddan (ID Policy-ka) iyo arrimihii kale oo looga baahdo xagga fulinta, isagoo ku shaqeynaya hagidda Wasaaradda oo ay la socoto PIU (Project Implementation Unit)
  1. Hawl-maalmeedka iyo falgalada maamul si hufnaan ah oo ay ku dheehantahay daahfurnaan, hufnaan, islaxisaabtan, nuxur leh iyo in la hormariyo waxqabadka Hey’adda;
  1. Dejiyo qorshooyinka falgalka, miisaaniyadda, iyo in uu soo gudbiyo warbixinta lacagta Hey’adda;
  1. Dejiyo qorshaha falgalka si uu u hago talaabooyinka Hey’addu ku gaareyso yoolalkeeda;
  1. Sameeyo nidaam wax-ku-ool ah oo fududeynaya qorsheynta, agaasinka shaqaalaha, maareynta arrimaha lacagta, maareynta imkaaniyaadka, il-ku-heynta iyo qiimeynta sida hawlaha Hey’addu u socdaan, warbixinta iyo maarenyta malafyada “records”-ka;
  1. Xaqiijiyo in qalabaadka iyo adeegyada Hey’addu soo iibsato lagu saleeyay si shuruucda iyo habraacayada ku toosan;
  1. Dejiyo qorsho warbaahineed, istratiijiyadda isgaarsiinta, latashiga shacabka ah iyo kor-u-qaadista wacyiga bulshada xagga nidaamka aqoonsiga;
  1. Dejiyo xiriir tayeysan oo ka dhexeeya FIRA, hey’adaha iyo ururrada kala falgala arrimaha la xiriira diiwaangelinta iyo nidaamka aqoonsiga;
  1. Xaqiijiyo in si hufan loo isticmaalo shaqaalaha, lacagta iyo imkaaniyaadka la taaban karo;
  1. Dejiyo maareynta heykalka gudaha si wax-ku-ool ah iyo sicir ku jaango’an;
  1. Xaqiijiyo in la gaaro hirgeliyo istraatiijiyada qorsha, yoolalka, bartilmaameedka iyo heerka adeegga ee la isku raacay;
  1. Cayyimo tayeynta loo baahanyahay iyo qorshahii lagu helilahaa haddiiama markii loo baahdo; iyo
  1. Qaado tilaaboyin ka hortag ah si uu u cayyimo soona gudbiyo baahida hay’adda dhanka shaqaalaha wixi ka dhimman oo ay ku gaari laheyd

hufnaan ku toosan sidi ay ku gaari lahayd yoolalkeeda iyadoo u mareysa habraaca qoritaanka shaqaalaha.

Exit mobile version