Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DF oo shaacisay howlgal ka dhacay Farsoleey oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgal qorsheysan oo maanta ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ka fuliyeen deegaanka Farsoleey, kaasi oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka dowladda, howlgalka ayaa lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka 20 kale lagu dhaawacay.

Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada ay howlgalka ku burburiyeen xarumo iyo goobo ay kooxda u adeegsan jirtay abaabulka iyo qorsheynta falalka amni-darrada, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda.

Qoraalka dowladda ayaa lagu xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgalada lagu ciribtirayo argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

Exit mobile version