Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Deni oo shir amni la yeeshay taliyeyaasha Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan heer sare ah oo looga hadlay xaaladda amniga Puntland la yeeshay madaxda hay’adaha amniga iyo taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe ayaa diiradda lagu saaray dhammeystirka howlgalka Calmiskaad, diyaar-garowga howlgalka cusub ee Onkod ee buuraha Calmadow iyo dagaalka lagula jiro burcad-badeedda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay isbeddellada amni ee ka soo kordhay qaybo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta dalka, kuwaas oo Puntland sheegtay inay si dhow ula socoto.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa kulanka ka sheegay in Puntland ay ka go’an tahay ciribtirka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada Calmiskaad iyo Calmadow, isaga oo tilmaamay in la bilaabayo howlgalka Onkod, sidoo kalena la soo gabagabeynayo howlgalka Hilaac.

Kulanka waxaa ka qeybgalay xubnaha guddiga sare ee amniga Puntland, la-taliyeyaal madaxweyne, khubaro amni iyo saraakiil ka tirsan ciidamada.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in kulanka lagu dejiyay qorshayaal la xiriira xoojinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan, iyadoo maamulka uu sheegay inuu si dhow ula socdo isbeddellada amni ee ka socda dalka.

 

Exit mobile version