Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan xasaasi ah duleedka magaalada Garoowe kula yeeshay madaxda kala duwan ee hay’adaha dowladda Puntland, xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo caqabadaha gudaha ee maamulkiisa.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, baarlamaanka, garsoorka iyo xildhibaanno Puntland ku metela labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan muranka doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo mowqifka Puntland ee ku aaddan qorshayaasha siyaasadeed ee Villa Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in kulanka lagu falanqeeyay hadal-heynta la xiriirta mustaqbalka xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka, iyadoo ay jireen warar iyo dooddo ku saabsan fikrado ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku xiriirinayaan gooni-isu-taagga Puntland.
Xubin ka mid ah dadkii kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in Madaxweyne Deni uu kulanka ku caddeeyay inaysan xilligan qorshaha Puntland ku jirin inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale, balse ay jiraan cadaadisyo iyo aragtiyo arrintaas la xiriira oo dibadda uga imaanaya
Arrintan ayaa la xiriirta walaacii uu Deni horay ugu muujiyay warqad uu u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka.
Madaxweynaha Puntland ayaa 25-kii October khudbad uu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 59-aad ee Baarlamaanka Puntland si adag uga hadlay hannaanka doorashooyinka dowladda federaalka, isagoo ku baaqay in la helo wadahadal loo dhan yahay oo lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed.
Dhanka kale, kulanka waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray xaaladda dhaqaale ee Puntland, iyadoo mas’uuliyiintii ka qeybgalay ay soo bandhigeen caqabadaha ka jira maamulka, sida dhaqaale yaraanta, mushahar la’aanta shaqaalaha dowladda, xafiisyo dowladeed oo shaqadoodu gaabis noqotay iyo dhibaatooyin kale oo u baahan xal degdeg ah.
Kulankan ayaa imanaya xilli Puntland ay wajahayo laba cadaadis oo kala duwan: khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Muqdisho iyo caqabadaha dhaqaale iyo maamul ee gudaha.
.

