Ciidamada dowladda Soomaaliya ee howlgalka ka wadda gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay degaano dhowr ah oo muhiim ah ay kala wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab.
Abaanduulaha Ciidamada dowladda ee Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood oo ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay ka qabsadeen degaano ku yaalla gobolka Shabeelaha Dhexe , kuwaa soo hoos yimaadda degmada Mahadaay.
Waxaa uu sheegay in mudooyin ay wadeen howlgal ka dib in ay Shabaab kala wareegeen degaanada ku yaalla Wabiga Jiingiisa .
Degaanada ugu muhiimsan ayuu ku sheegay in ay yihiin Warciise iyo sidoo kale Tuullada Cali fooldheere.
Qiyaastii dhul dhan 100 KM ayuu sidoo kale tilmaamay in ay Shabaab kala wareegeen.

