Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Xildhibaano cambaareeyay xarigii Mukhtaar Rooboow

Qaar kamid xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya gaar ahaan qudlada badbaado ayaa waxa ay magaalada Muqdisho ku qabteyn shir jaraa’id oo ay kaga hadlayaan sida ay kaga xunyihiin xariga Mukhtaar Rooboow.

Xildhibaanadaani oo u badan kuwii Mooshinka ka keenay madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo AMISOM cambaareeyay, waxa ayna sheegeen in sharciga ay baalmarsantahay xariga Mukhtaar Rooboow.

war qoraal ah oo kasoo baxay sirkooda jaraa’id ayey ku sheegeen xildhibaanadaani in ay dacwad ka gudbin doonaan ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso warka qoraalka ah ee kasoo baxay qaar kamid ah xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya.

 

 

Exit mobile version