Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DEG DEG:- Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay degmada Balcad

Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in goordhow uu ka dhacay Maqaayad ku taalla degmadaasi balcad weerar bambaano kaas oo geystay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ka dhacay maqaayad laga cunteeyo oo lagu magacaabo Maqaayadda Bintooy, taas oo kasoo horjeeda Xarunta Maamulka degmada balcad, halkaas oo ay inta badan tagaan Xubno kamid ah Shaqaalaha Maamulka degmada.

Wararka Risaala ay heleyso ayaa sheegaya in qaraxa khasaaraha ugu badan ee ka dhashay ay tahay dhaawacyo soo gaaray qaar kamid ah dadkii ka cunteeynayay, waxaana Goobta tegay Ciidamada Maamulka degmada, kuwaas oo gurmad u sameynaya dadka dhaawacmay.

Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com

Exit mobile version