Hiliwa-RisaalaFM- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Qarax khasaare geystay waxaa lagula eegtay xaafada Waxar-cade ee degmada Hiliwaa.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Mid lagu aasay fariisin ciidamada dowladda ay ku lahaayeen xaafada Waxar-cade.
Inta la ogyahay qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Askari ka tirsan ciidamada dowladda halka 2 qof oo shacab ahna uu dhaawac ka soo gaaray.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga degmada Hiliwaa Abshir Maxamed Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Hal Askari oo ciidanka dowladda ka tirsan uu ku dhintay Qaraxa khasaare kalena uusan soo gaarin ciidanka.
Waxa uu sheegay in ciidamada amaanka ay soo gaareen goobta sidoo kalena ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga sidoo kalena lagu baadi goobayo kooxihii Qaraxan ka dambeeyay.
Maalmihii dambe magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal iyo Qaraxyo kuwaas oo lala beegsanayay xubnaha dowladda iyo dad shacab ah.
