Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Marka

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay Xaafadaha degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose  ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Garaashka Cawaale oo kuyaalla dhabarka dambe ee Saldhiga Booliska degmada Marka.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Booliska ay ku baxeen Goobta, iyada oo qaraxa uu ahaa miino la dhigay Irida Garaashka.

Dhowr bil ka hore sidaan oo kale ayuu qarax uga dhex-dhacay Gudaha Garaashkan, waxaana ku dhintay Nin la sheegay in uu diyaarinayay.

Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com

Exit mobile version