Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka aan ka heleyno Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax gaari oo laga maqlay hareerahaasi.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa miinada dhejiska ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray ruux dhalinyaro ah, wuxuuna gaariga qarxay markii uu marayay aagga Ex-contorl Afgooye ee magaalada Muqdisho, sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxa uu yahay ruuxa watay gaariga oo dhaawac uu soo gaaray, wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu ahaa qof Mukhalas ah, halka warar kalena ay sheegayaan inuu ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Hay’adaha ammaanka ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen qofka dhaawaca ah inay geeyeen mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho, dibna ka soo sheegi doonaan waxa uu yahay.

Sawirro laga soo qaaday gaariga qarxay oo nuuciisa uu yahay SPACIO ayaa waxa ay muujinayeen burbur xoogan oo soo gaaray gaariga.

Shalay oo ugu dambeysay magaalada Muqdisho waxaa qarax lagu weeraray xarunta degmada Hawlwadaag, halkaasi waxaa ku naf weysay Shan qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 12 kale oo uu ku jiro Gudoomiye ku-xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda degmada Hawlwadag.

Exit mobile version