Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweyne Gaas oo Isbitaalka ku booqday dhaawaca wasiirka amniga Puntland “Sawiro”

Jabuuti-RisaalaFM- C/wali Maxamed Cali Gaas madaxweynaha maamulka Puntland oo ku sugan magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti ayaa isbitaalka Cumar  Xasan Al-bashiir ee magaalada Jabuuti ku booqday Wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo lagu dabiibayo isbitaalkaasi.

Booqashada ayaa Madaxweynaha waxaa ku welinayey Marwada koowaad ee Puntland Hodon Siciid Ciise, Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Shiikh Axmed iyo xubno kale.

Agaasimaha Cusbitalka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey xaaladda guud ee Wasiirka waxaana uu sheegay in uu Wasiirku aad u caafimaad qabo islamarkaana xaaladiisu ay meel wanaagsan marayso.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wasiirka ku booqday qolka uu cusbitalka ka jiifo, waxaana uu si gaar ah uga waraystay guud ahaan xaaladihiisa caafimaad iyo waxa uu dareemayo maadaama uu Wasiirku  muddo kooban ku jirey isbitalkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa Madaxweynaha u sheegay in uu isbitaalka kala kulmay maamuus aad u heer sareeya iyo adeeg caafimaad oo wanaagsan.

Exit mobile version