Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ka dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa hadda ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ay kusii jeedaan Magaalada Riyaad ee Sacuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya Shirka dalalka Islaamka iyo dowladda Mareykanka oo saacaddaha soo socda ka furmaya Magaalada Riyaad.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Magaalada Riyaad ayaa hadda waxaa ku sugan qaar ka mid ah Madaxweynayaasha dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Shirweynahaasi waxaa xoogga lagu saari doonaa dagaalka ka dhanka ah ururrada xagjirka ah.

 

Exit mobile version