Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Deg Deg: Kooxo hubeysan oo caawa weerar ku qaaday xildhibaan ka tirsan dowladda Soomaaliya

Wararka inaga soo gaaraya degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaan Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayow oo ka mid xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay caawa kooxo hubeysan ay ku weerareen Hoy uu ka degnaa degmada Hodan, waxaana la sheegay in xildhibaanka uu ka badbaaday weerarkii lagu qaaday.

Kooxaha weerarka geystay ayaa la sheegay in ay ku hubeysnaayeen Baskoolada iyo Bamabada gacanta laga tuuro, iyagoo guriga xildhibaanka ku tuuray Bamabada gacanta.

Wararka ay Idaacadda Risaala heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in weerarkaas uu dhaawacyo ka soo gaaray 3 ka mid ah ilaalada xildhibaanka.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay inoo sheegeen in halkaasi hada ay ka wadaan baaritaano laguna dabo joogo kooxihii weerarka geystay.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Risaala.net

Exit mobile version