Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Deg Deg: Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday deegaanka Kaaytooy

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in tuulada Kaaytooy ee Sh/Hoose ay diyaarado duqeeyeen.

Waxaana dadka deegaanka ah ay inoo xaqiijiyeen in goobta la duqeeyay ay ku sugnaayeen saraakiil Al-shabaab ah, iyadoo wararka ay sheegayaan in madax ka tirsan ururka Al-shabaab halkaasi lagu dilay.

Maamulka deegaankaasi ayaa waxa ay sheegeen in saraakiil Al-shabaab halkaasi ay ka wadeen qorshayaal dagaal.

Ilaa iyo hada lama oga duqeyntaan cida mas’uuliyadeeda iska leh, waxaana dhowaanahan duqeymihii gobolada qaar ka dhacayay mas’uuliyadooda sheeganayay dalalka Kenya iyo Mareykanka.

Ururka Al-shabaab ayaa dhankooda wali war uusan ka soo bixin duqeyntan ka dhacday gobolka Sh/Hoose.

Exit mobile version