Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in Diyaaradii siday Madaxweynaha Jabuuti ay ka soo dagi wayday Garoonka Adan Cade cilad farsamo awgeed, dibna ay ugu laabatay Jabuuti.
Danjiraha Dalka jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Aadan ayaa sheegay in ay dib u laabatay Diyaaradii siday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kalena la sheegay in ay ku timid cilad farsamo, waxaana ay hada ka degatay Garoonka Diyaaradaha ee Dalka Jabuuti.
Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia, iyo Wasiirada Areimaha Dibada Dalalka Kenya, Jabuuti iyo Uganda ayaa la xaqiijiyay in ila iyo hada ay soo gaareen Magaalada Muqdisho.
