Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Deg Deg: Dagaal dib uga bilowday Baledweyne

Baledweyne-RisaalaFM- Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal uu ka socdo  duleedka magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay Beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega, iyadoo dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaar ka mid ah dadka kunool Baledweyne ayaa sheegaya in uu dagaalku xoogan yahay ,islamarkaana rasaas culus leysku adeegsanaayo.

Shalay ayaa dagaal culus waxa uu ka dhacay magaalada baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Exit mobile version