Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DEG DEG:- Dadagaal xooggan oo saaka ka qarxay degmada Baardheere

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa Sheegay in Dagaal xooggan uu ka qarxay magaaladaasi, kaas oo u dhaxeya labada Ciidan oo Ka kala tirsan Maamulka Jubaland iyo Dowladda federalka.

Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay markii shalay maamulka taabacsan Jubbaland ay la wareegeen xarunta degmada Baardheere, islamarkaana ay sheegeen in aysan aqbali doonin in khal khal amni laga sameeyo gudaha magaalaadaasi.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamaya ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka xoogeysa oo ka soconayo nawaaxiga xarunta degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dhinacaydada dagaalamayaa ayaa la soo werinayaa inuu jiro khasaare soo gaaray, inkastoo aan weli la helin tirade saxda ah ee khasaaraha.

Dadka sahcabka ayaa ku waabareystay rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac ee ku dagaalamaya gudaha xarunta degmada Baardheere gobolka Gedo.

Jubaland ayaana Shalay Baardheere geysay Ciidamo Xilli ay halkaas ku sugnayeen maamul ay Dowladda federalka u magacawday degmada.

Dowladda Dhexe iyo maamulka Jubbaland ayaa maalmahan si weyn ugu loolamayay gacanta ku haynta gobolka Gedo , taas oo salka ku hayso xiisadda labada dhinac.

Exit mobile version