Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DEG DEG: Agaasimihii Madaxtooyada Boosaaso oo la dilay

Sida ay sheegayaan Warararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Kooxo hubaysan, ayaa halkaasi ku toogtay Agaasimihii Madaxtooyada Magaalada Boosaaso Aadan Gaas Huruuse.

Wararka waxa ay sheegayaan dabley hubaysan oo Bistoolado sita inay Agaasimaha ku dileen Bartamaha Magaalada Boosaaso, sida ay xaqiijinayaan ilaha caafimaadka Boosaaso.

Kooxaha hubaysan ayaa goobtaasi ka baxsaday markii ay dileen Agaasimaha, waxaana socda howlgalo ciidamada ammaanka ay wadaan.

Khamiistii aan soo dhaafnay ayeey aheyd markii Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari lagu toogtay Taliye ku xigeenkii saddexaad ee ciidamada Booliska Puntland, kaasi oo dhaawacii soo gaaray maalintii Jimcaha uy geeriyooday.

Exit mobile version