Kabtankii hore ee xulka qaranka Ingiriiska, David Beckham ayaa ka dhabeeyay barnaamij uu muddo afar sano ah waday kaasoo uu ku aas aasay dhinaca kubadda cagta ah oo uu ka dhisay magaallo xeebeedka Miami ee gobolka Florida ee waddanka Mareykanka.
Beckham oo horey ugu soo ciyaaray kooxda Los Angeles Galaxy ee Mareykanka 2007, xilligaasoo ahayd markii uu ka soo tegay naadigiisii hore ee Real Madrid ee waddanka Spain, waxaana uu sidaa ku noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee ka ciyaara Horyaalka Mareykanka ee MLS ee naadi yeesha.
Laacibkii hore ee Manchester United, Real Madrid, AC Milan iyo PSG ayaanan shaacin magaca kooxdiisan cusub, ciyaartoyda u dheeli doonta iyo weliba midabka dharka ay ku ciyaari doonaan.
2015 ayaa maalgeliyayaal ay isla shaqeynayaan Beckham oo muddo 5 bilood ah u soo ciyaaray kooxda PSG ee Faransiiska ayaa waxa ay dhiseen garoonka kooxdiisan cusub ku ciyaari doonto ee 25,000 oo taageere qaadda.
Mar la weydiiyay halka uu ka keeni doono mushaaraadka faraha badan ee ciyaartoyda u ciyaari doonta kooxdiisa uu siin doono, waxa uu Beckham sheegay in lacagtaasi ay ka imaanayso kubadda cagta.

