Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Danjiraha Turkiga oo la kulmay Kheyre.

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaarihii 19-aad ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, kaas oo ay uga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiriirka labada dowladood.

War uu safiirku soo saaray ayaa lagu sheegay in kulanka lagu falanqeeyay geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, isbeddelladii ugu dambeeyay iyo dadaallada afarta dhinac ee ay hormuudka ka yihiin Turkiga, Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labada dal.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Danjire Ferhat Alkan uu dhawaan kulan la yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo ka mid ah kulamo isbarasho iyo wadatashiyo siyaasadeed oo uu safiirku la yeelanayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed.

Dhaqdhaqaaqyadan diblomaasiyadeed ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa isbeddello iyo khilaafyo siyaasadeed oo la xiriira xaaladda dalka iyo geeddi-socodka siyaasadeed.

Exit mobile version