Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Danjiraha Turkiga oo kordhiyay kulamada uu la yeelanayo siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya.

Danjiraha dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa booqasho ku tagay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay sii kordhayaan kulamada uu la yeelanayo siyaasiyiinta mucaaradka iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee dalka.

 

Danjire Alkan iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday dhinaca safaaradda Turkiga.

 

Safiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay kaalintii uu Rooble ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga intii uu hayay xilka Ra’iisul Wasaaraha.

 

Booqashadan ayaa qeyb ka ah kulamo xiriir ah oo uu Danjire Ferhat Alkan maalmihii la soo dhaafay la yeelanayay siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda hore ee Soomaaliya.

 

Hore ayuu safiirku kulamo ula yeeshay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

 

Kulamadan ayaa imaanaya xilli dalka uu ka jiro khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo mucaaradka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka, dastuurka iyo mustaqbalka hoggaanka dalka.

Exit mobile version