Dagaallo ka dhacay deegaannada xuduudda u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea ayaa mar kale xoogeysanaya, sida ay sheegayaan dadka ku nool deegaannada Badimme iyo Shiraro.
Dhanka kale, dowladda Eritrea ayaa shacabkeeda ugu baaqday inay isu diyaariyaan dagaal.
“Eritrea waa inaysan ku ekaan oo keliya is-difaacid, balse ay sidoo kale isu diyaarisaa sidii ay isaga caabin lahayd dagaalka ka dhanka ah,” ayay tiri.
Laba qof oo deggan deegaannada xuduudda ee Badimme iyo Shiraro ee gobolka Tigray oo la hadlay BBC ayaa sheegay in tan iyo Talaadadii, 10-kii Maarso 2026, ay halkaas ka dhacayeen dagaallo culus, isla markaana la maqlayay rasaas xooggan.
Sida ay sheegeen, dagaalladu waxay u dhexeeyaan ciidamada Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo ciidamada difaaca qaranka Itoobiya.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo kaashanaya kuwa Tigray iyo Eritrea ay rasaas ku furayeen dhanka Badimme.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada difaaca Itoobiya ay iyaguna u dhaqaaqayeen dhanka deegaankaas.
hanka kale, wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa bayaan uu soo saaray ku xiriiriyay xiisadda milatari ee ka taagan xuduudda Itoobiya, wuxuuna shacabka dalkiisa ugu baaqay inay midnimo muujiyaan oo ay midoobaan.
Wasiirku, isaga oo bayaan ku soo saaray luqadda Tigrinya, ayaa shacabka Eritrea ugu baaqay inay si ka badan sidii hore ugu diyaar garoobaan difaaca dalkooda iyo xuduudihiisa.

