Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dagaal xoogan oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeysay kadib markii xalay ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen Xarumo Ciidamada Dowladda & kuwa Jabuuti oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degmada Jalalaqsi,waxaana Goobjoogayal ay sheegeen in dagaal xoogan uu halkaasi ka dhacay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ee degmada Jalalaqsi ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,sidoo kalena ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Dhinaca kale wararka kale ee laga helayo Degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay  howlgallo ka bilaabaeen Degmada jalalalaqsi Xaafadaha  ay ka kooban tahay iyo Deegaanada kale ee hoos yimaado degmadaas.

Si kastaba dagaalkaan ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan weli kama hadlin maamulka degmadaas iyo Ururka Al-Shabaab,hayeeshee xaaladu ay tahay mid degan marka laga reebo howlgallada ay wadaan Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM.

Exit mobile version