Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dagaal ka dhacay gobolka Galgaduud

Wararka Naga Soo gaaraya  Deegaanka Qalan qale oo ku dhow Magaalada Dhuusa Mareeb ,islamarkaana kaga beegan dhanka Waqooyi  ayaa sheegaya in uu ka dhacay dagaal   u dhaxeeya Laba Beelood oo Wada degan halkaasi.

Inta la xaqiijiyay hal Qof ayaa Dhintay 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen Dagaalka.

Qaar ka mid ah dadka kunool deegaanka Qalan Qale ayaa idaacadda Risaala u sheegay in dagaalka uu salka ku haayay anooyin Qabiil .

Xiisad u dhaxeysa beelihii dagaalamay ayaa deegaanka ka taagan sida ay inoo sheegeen Qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Galgaduud.

Exit mobile version