Warar dheeraad ah ayaa soo baxaya Dagaal Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ku dhexmaray xalay Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Shabaabka ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Degaanka Lambar 50 oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay degaanka lagu magacaabo Number 50, waxaana la isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Laba ruux oo ka mid ah dadka ku nool degaanka No.50 ayaa dagaalkaasi ku geeriyooday, halka sidoo kale ay jiraan dhaawacyo soo gaaray shacabka sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.
Lama oga khasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay, balse waxaa jira Khasaare, maadaama dagaalka uu ahaa mid culus oo labada dhinac rasaas kala duwan isweydaarsanayeen.
Sidoo kale waxaa jiray Madaafiic ku dhacday qeybo ka mid ah Xaafadaha degaanka Lambar 50.
