Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dad ku dhintay shaqaaqooyin ka dhacay Burco & Hargeysa

Hargeysa-RisaalaFM- Ugu yaraan toban ruux, ayaa waxaa la sheegay inay ku dhimatay shaqaaqooyin xalay fiidkii ka kala dhacay Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ee Somaliland.

Shaqaaqooyinkan, ayaa waxay ka dambeeyeen markii ay soo baxeen warar sheegaya in Xisbiga Kulmiye uu ku shubtay doorashadii maalintii Isniintii ka qabsoomtay Degaanada Somaliland.

Wakiilada Xisbiga Waddani, ayaa sheegay inay joojiyeen wada shaqayntii ay la lahaayen Guddiga Doorashada Somaliland, ka dib markii ay sheegeen inaanay waxba ka qaban cabashooyinkoodii.

Dhalinyaro careysan oo isugu soo baxay Galbeedka Magaalada Burco, ayaa waxaa la soo warinayaa in ay isu dhaceen ciidamada ammaanka, Ciidamada waxaa la sheegay inay rasaasta nool nool adeegsadeen, taasina ay dhalisay dhimashada in ka badan Sideed ruux iyo dhaawaca tiro kale.

Isku dhac kale oo xalay fiidkii ciidamada iyo dhalinyaro careysan ku dhex maray xaafadda New Hargeysa ee Magaalada Hargeysa, ayaa sababtay dhimashada in ka badan laba qof iyo dhaawaca tiro kale.,Labada qof ee dhintay waxaa lagu sheegay inay dumar ahaayen.

Musharaxa Xisbiga Waddani, C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan Cirro) oo xalay Warbaahinta la hadlay ayaa taageere-yaashiisa u sheegay inay is dejiyaan, isla-markaana ay nabadgelyada ilaaliyaan.

C/raxmaan Cirro waxaa uu cadeeyay in uu ku mowqif yahay Wakiiladiisa, haddii aanay Guddiga Doorashada waxba ka qaban wixii ay ka tabanayeen.

Shaqaaqooyinka xalay ka kala dhacay Burco & Hargeysa, ayaa si guud looga dareemay Degaanada Somaliland, iyadoo dadkuna ay walaac ka muujiyeen shaqaaqooyinkaasi.

Exit mobile version