Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dad badan oo ku dhintay dhulgariir ka dhacay Mexico (SAWIRRO)

Dhulgariir xoogan, ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii ku dhuftay Bartamaha Wadanka Mexico, waxaana cabirkiisa lagu sheegay 7.1 Magnitude, cabirka dhulgariirka lagu cabiro.

Dhulgariirkan oo saamayn weyn ku yeeshay Magaalada Caasimadda ee Mexico City, ayaa sababay burburka dhismayaal kala duwan oo ku yaala magaaladaasi. Dhismayaasha burburay waxaa ku jira iskuulo, warshado iyo goobo laga dukaamaysto.

Illaa iyo hadda waxaa la’ogyahay in 140 ruux ay ku dhimatay dhulgariirkaasi, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Boqolaal kun oo ka mid ah shacabka reer Mexico City, ayaa waxay iyagoo argagaxsan isugu soo baxeen wadooyinka waaweyn ee magaalada ku yaala.

Shaqaalaha gurmadka deg-degga, ayaa wada gurmad ballaaran oo ay u fidinayan dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkaasi. Shaqaalaha waxay burburka dhismooyinka ka baadigoobayan dad la sheegay in la la’yahay.

Duqa Magaalada Mexico City, Miguel Ángel Mancera Espinosa, ayaa xaqiijiyay in 44 dhisme ay ku burbureen dhulgariirka, sidoo kalena ay dilaaceen qaar ka mid ah dhuumaha shidaalka qaada.

Duqa Mexico City, ayaa tilmaamay in shaqaalaha gurmadka ay wadaan dadaalo ay ku doonayan inay ku soo samata bixiyan, haddii ay jiraan dad nool oo burburka ku hoos jira.

7-dii bishan, ayay ahayd markii dhulgariir kale uu ka dhacay dalkaasi, iyadoo ay ku dhinteen dad tiradoodu lagu sheegay 98 ruux.

 

Exit mobile version