Cadaado-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG-ka Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay gaareen wafdi isugu jira Dowladda, AMISOM iyo xubno kale.
Wafdiga halkaasi gaaray ayaa waxa ay kala yihiin Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Ciidanka AMISOM, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka iyo Mas’uuliyiin kale.
Ujeedka Wafdigana ay u gaareen Cadaado ayaa lagu sheegay sidii ay u dar dar gelin lahaayeen Hanaanka Doorashooyinka xubnaha Aqalka Sare iyo waliba mida Baarlamaanka.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu soo dooranayaa 36 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Aqalka Hoose iyo waliba 8 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Aqalka Sare.
