Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo uu weheliyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay dadweyne shacab ah kula shaaheeyay bartamaha Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ayaa Bulshada uux xalay kula shaaheeyay bartamaha Magaalada ka xog waraystay Xaaladaha ay Magaaladu ku sugan tahay isagoo qaarkood uga jawaabay su’aalo la xiriira hananka Siyaasadeed ee Dowladu ay ku wajahayso dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay nabada ka jirta Kismaayo oo uu xusay in ay Tusaale u tahay Magaalooyinka kale ee dhibka nabad galyo la’aantu uu ka jiro.
