Muqdisho-RisaalaFM- Hoobiye ayaa Galabnimadan waxa uu ku soo dhacay Iskuulka Xasan Qariidi oo ku yaalla Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka.
Madfacan oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa waxa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Arday halkaasi ku sugneyd.
Inta la xaqiijiyay Gabar yar oo Ardayad ah ayaa ku geeryootay, halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay inoo sheegeen saraakiisha laamaha caafimaadka ee goobta gaaray.
Hay’adaha laamaha amniga Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Hoobiyaha ku soo dhacay,, waxaana ay wadaan baaritaanada la xiriira halka laga soo tuuray Madfacan.
