Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Khartum ee dalka Sudan kula kulmay wasiir dowlaha wasaarada arimaha dibada dalka Sudan waxayna ka wadahadleen xaalada Soomaaliya.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa dalka Sudan waxaa ku sugnaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kala ahaa Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali Xildhibaan Professor Maxamed Cumar Dalxa iyo Xildhibaan Professor Cabdiraxmaan Aadan Ibraahin Ibbi .
Wasiiru Dowlaha Wasaasarada arimaha dibadaDowlada Suudaan Mudane Kamaalu Diin Ismaaciil Saciid ayaa u sheegay xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya in dowladda Sudan ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya ayna ka qeyb qaadan doonto horumarka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble ayaa ka warbixiyay xaalka dalka uu xiligan marayo iyo in doorashooyin xiligan nagu soo fool leeyihiin, isagoo intaas ku daray Xildhibaanka in Soomaaliya xariir wanaagsan la leedahay Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan.
