Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Daawo: Shirka Baarlamaanada Afrika oo la soo gabagabeeyay

Shirka Baarlamaanka Afrika  ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Johannseburg  ee dalka Koonfur Afrika.

Waxaana  dowladda Soomaaliya uga qeyb galay Xoghayaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane C/kariim Xaaji Cabdi Buux.

“kulankaan xoghayayaashu waxay isku weydaarsanayaan sidii ay qeyb uga ahaan lahaayeen heshiisyada heerka caalami ah ee ay Dowladuhu kala saxiixdeen”ayuu yiri Xoghaye Buux.

Barlamaanka Afrika oo ay xaruntiisu tahay magaalada Johannsenburg ee K/Afrika, ayaa waxaa sanadkiiba afar jeer lagu qabtaa shirar kala duwan oo looga hadlaayo xaalada qaarada Afrika.

Exit mobile version