Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Daawo Sawirada Shir looga hadlayay Abaaraha oo Muqdisho lagu qabtay

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed  ayaa maanta waxa uu magaalada Muqdisho ka furay shir heer sare ah oo looga hadlayo abaaraha dalka ka jira.

Waxaa ka qeyb galay  Shirkaan xubno ka socday Beesha Caalamka  iyo sidoo kale maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shirka ayaa inta uu socday waxa lagu falanqeeyay Abaaraha dalka ka jira.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyay Shirka ayaa sheegay in shirka May ka dhici doona London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo in ay geyn dooni istaraatiijiyad cad oo ay dowladda ka leedahay abaaraha soo laa laabtay, waxa uu ugu baaqay Midowga Africa, Midowga Yurub, OIC iyo saaxiibada caalamka in ay kala qeyb-qaataan badbaadinta nolosha dad badan oo Soomaaliyeed,  madaxweynuhu waxa uu xusay in abaarta ay gobolka oo dhan ka jirto, laakiin Soomaaliya ay u nugushahay xilligaan, waxa uu si gaar ah uga hadlay in muhiimaddu ay tahay in gurmadka laga bilaabo waxyaabaha aas-saasiga u ah nolosha bini’aadamka.

wakiillada beesha caalamka, ayaa sameeyey ballan-qaadyo ay ku sheegeen in si deg deg ah loo fulinayo.

Exit mobile version