Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Daawo Sawirada Shabaab oo soo bandhigay Askari ka tirsan Ciidanka Kenya

Al-Shabaab ayaa  soo bandhigay askari ka tirsan ciidanka difaaca dalka Kenya oo ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo.

David Ngugi Wataari, oo ah askariga lasoo bandhigay magaciisa ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa Guutada 120 aad ee ciidanka difaaca dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa dagaal culus oo ay ku dhinteen ku dhawaad 200 oo askari  waxa ay ay ku qaadeen deegaanka  Ceel cade 15-kii Bishii January ee sanadkii hore.

Ururka Al-shabaab ayaa  dhawaan waxa ay soo bandhigeen Askari u dhashay Dalka Uganda, kaas oo Maxbuus u ahaa Shabaab sanadyadii la soo dhaafay.

 

Exit mobile version