Munaasabadan loogu dabaal degayay 56 guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo aasay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12-ka April.
Waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mas’uuliyiin ka tirsan labaa gole ee dowladda, hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur galbeed, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo diblomaasiyiin, kaasi oo maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
