Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa hadal ka jeediyey hoolka Jaamacadda Bariga Afrika ,waxaana uu faah faahin ka bixiyey isbedellada nabadeed iyo hormarineed ee ka jira Dalka , gaar ahaan xiligan kala guurka, isaga oo xusay in Soomaaliya ay hada gashay isbdedel baaxad leh islamarkaana quseeya dhinacyada hormarka iyo nabadda.
Khudbadda Ra’iisul Wasaaruhu uu jeediyey kadib ayaa Qaar ka mid ah Ardayda wax kabarata Jaamacaddu waxey bilaabeen iney su’aallo weydiiyaan, waxaana su’aallaha la weydiiyey ka mid ahaa sida ay doonayaan iney u wajahaan marxaladdaha uu dalku ku jiro, gaar ahaan doorashooyinka iyo sida looga gaashaamanlahaa dhibaatooyin ay keento amni darro oo ka dhaca dalka maadaama ay Soomaaliya weli ay jiraan dagaalo .
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka sheekeeyey muhiimada ay leedahay Waxbarashadu,wuxuuna xusay in aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Jaamacadda iyo sida qiimaha badan ee loogu soo dhoweeyay. Isagoo Ardayda wax ka barta Jaamacadda Bariga Afrika ku booriyay in ay ka dhabeeyaan Hanka ay ku doonayaan inay guul kaga gaaraan Waxbarashadooda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maalmahii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa deegaanada maamulka Soomaaliyeed Puntland, waxuuna booqday inta uu joogay Garoowe xarumo kala duwan oo halkaas Kuyaal.
