Ugu Yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay Qaraxii ka dhacay dhismaha laanta Canshuuraha ee ku dhow dekeda Weyn ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa.
Dadka ku dhintay Qaraxa ayaa u badnaa muruqmaalkii dekedda Muqdisho.
Qaraxa waxa loo adeegsaday Gaari nuuciisa lagu sheegay Caasi.
