Ciidamada ammaanka ee magaalada Baydhabo ayaa qabtay nin miino ku aasayay mid ka mid ah waddooyinka magaaladaas.
Mid ka mid ah saraakiisha nabad sugidda maamulka Koonfur Galbeed ayaa Warbaahinta Gudaha u sheegay in ninka lagu qabtay howlgal lagu xaqiijinayay ammaanka oo maalmihii ugu dambeeyay ka socday magaalada.
Maamulka magalada baydhabo ayaa sheegay in caddaaladda la hor geeni doono eedaysanaha oo uu sheegeen in uu ka tirsan Xarakada Al-Shabaab
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa si weyn uga socda howlgal balaaran oo lagu xaqiijinaayo ammaanka Magaalada Baydhabo oo lagu wado in lagu qabto doorashada xubnaha Aqalka Sare
