Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Daawo Sawirada Labo dowladood oo duulaan ku ah Magaalada Raqa

Dowladaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa waxay doonayaan inay tallaabo wada jir ah qaadaan si Daacish ay uga saaraan xaruntooda ugu weyn ee Raqa ee dalka Suuriya.

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan wuxuu sheegay in Obama uu qorshahaasi u soo gudbiyay.

“Turki waa u diyaar wada shaqeyn, aan mideyno ciidamadeena”, ayaa laga soo xigtay asigoo dhahaya Erdogan.

Madaxweyne Erdogan wuxuu intaa ku daray in arrinta ay u baahan tahay wadaxaajood dheeraad ah.

Militariga dalka Turkiga waxay hadda wadaan howlgal ballaaran oo ay ka wadaan waqooyiga Suuriya.

Waxay halkaasi kula dagaallamayaan mintidiinta Daacish iyo maleeshiyaadka Kurdiyiinta.

Exit mobile version