Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DAAWO SAWIRADA: Dilka caawa loo geystay safiirkii Ruushka ee Tukiga

Ankara-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dilka caawa ninka hubeysnmaa uu Magaalada Ankara ugu geystay safiirkii Dowladda Ruushka u fadhiyay Turkiga Andrei Karlov.

Safiirkii Dalka Ruushka ee turkiga ayaa xilligii la dilayay waxa uu khudbad ka jeedinayay goob Munaasabad ay ka socotay oo ku taalla Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

Nin hubeysan ayaa ka dambeeyay Dilka safiirkii Dalka Ruushka u fadhiyay Dalka Turkiga Andrei Karlov, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Booliska Dalka Turkiga ayaa waxa ay sheegeen ninka dilka geystay in uu u dhashay Turkiga, sidoo kalena uu jiray 22 sano.

 

Exit mobile version