Xilli dhowaan ay doon ku qalibantey bada udhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga ayaa waxaa warbaahinta caalamka qaar ay soo bandhigeen sawirada qaar ka mid ah dhalinyaro ka badbaaday doontii ku qalibantey bada.
Waxaa la sheegay in 270 ku dhowaad oo Soomaali ah ay ku dhinteen bada udhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga, kuwaas oo ubadnaa dhalinyaro dhameysatay waxbarashada heerka Jaamacadeed.
Sidda uu baahiyey Tv-ga Al Jazeera dadka badbaaday badankooda waa Soomaali, waxa ayna tani muujinaysaa in ay doonidaas u badnaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka soo cararay dagaalada iyo Shaqo la’aanta ka taagan gudaha Soomaaliya.
Dhalinyarada qaarkood waxay sheegeen in ay arkayeen Saaxiibadoodii ay safarkan halista ah soo wada galeen oo dhimanaya, qaarkoodna dalbanaya gurmad badbaado ah, laakiin aysan waxba u qaban karin.
