Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Xooggan oo ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.
dagaalka ayaa waxaa ku dhintay dadka ka badan 10 qof sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay jidka u galeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo doonaayay in ay furaan Wadooyinka ay go’doomiyeen Shabaab.
