Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa maanta waxa ay u jahaysteen deegaanka lagu magacaabo Cabdalla Biroole oo magaalada Kismaayo kaga beegan 60 Km dhanka Galbeed , halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.
Saaraakiisha Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa sheegay in u jeedadoodo ay tahay in ay Al-Shabaab ka saaraan deegaanada iyo sidoo kale degmooyinka ay ka joogaan maamulka Jubbaland.
Ciidamo aad u farabadan ayaa la sheegaya in ay maanta ka ruqaansadeen magaalada Kismaayo , islamarkaana ay u jaheysteen goobo ay joogaan Al-Shabaab.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa dhawaan sheegay in ciidanka maamulka Jubbaland ay bilaabayaan howgallo Shabaab looga saaraayo deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya deegaano dhowr oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose iyo guud ahaanba gobolka Jubbada Dhexe.
