Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Daawo Sawirada Ciidamo Gadoodsan oo maanta xiray Wadooyinka Qaar

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya wadada maka Al-Mukarama ciidamo ka tirsan Militariga dowladda Federalka Soomaaliya oo ka cabanaya mushaar la’aan ayaa isugu soo baxay qaybo ka mid ah wadadaasi.

Ciidanka qaar ayaa u dhaqaaqay dhanka xaafadda Buulo Xuubey, gaar ahaan Suuqa Buulo Xuubey oo ganacsigii ay joojiyeen, halka qaar kale ay u soo dhaqaaqeen dhanka wadada Maka Al-Mukarama, iyaga oo tiro badan ayaana lagu arkay Isgoyska Soobe, KM4 ilaa iyo Dabka.

Dad goobjoogayaal ah oo arkay ciidamadan ayaa Risaala u sheegay ciidanka inaysan wax dhibaato u geysan dadka shacabka ah, balse ay ahaayeen ciidan muujinaayay mushaar la’aanta haysata.

 
Exit mobile version