Ciidamada Jabuuti ee howlgalka Amisom qaybta ka ah, ayaa howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayay waxa ay ka sameeyeen deegaano hoostagga Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Howlgalkaan ayaa ciidamada waxa ay ka sameeyeen Deeganada kala ah Cariishley Birbira Quracjafley Moowjimbiley iyo deegaano kale oo qiyaasti in ka badan 10 kiilo mitir dhanka galbed kaga beegan Magaalada Jalalaqsi.
Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalkaan hogaaminaysay, ayaa sheegay in ciidamada sababta deeganadaasi ay u tageen ay tahay sidii ay uga raadin lahaayeen Shabaab la sheegay deeganadaasi inay ku dhuumaleystaan.
Inkastoo aysan jirin dadka howlgalka lagu soo qabtay oo Saxaafadda loo soo bandhigay, ayaa Saraakiisha ciidamada Jabuuti waxa ay sheegen inay sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ammaanka lagu xaqiijinaayo.
