Micheal Keating oo booqasho ku tagay Suuqa lagu iibiyo xoolaha ayaa sheegay in doorkooda ku aadan caawinta dadka dhibaateysan ay muujin doonaan isago sheegay in bulshada degan Gobolka Hiiraan looga bahan yahay in ay la shaqeeyaan Maamulka Hirshabeelle isagoo xusay in ciidamada aysan sugi karin aminga hadii aan la helin bulshada heshiis ah islamarkana loo baahan yahay in beelaha ay heshiyaan,
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliya Micheal keating ayaa kormeerkiisa suuqa Xoolaha ee ku yala Xaafadda Kooshin halkaasoo lagu iibinayay xoolo laga kala keenay qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.
Keating ayaa xoolo dhaqatada weydinayay xaaladooda nololeed iyo weliba qiimaha la iibinayo xoolaha. Keating ayaa si gaar ah u weeydiiyay xoolo dhaqatada qiimaha neefka ariga iyago sheegay in neefka ariga xiligan la iibiyo lacag dhan 6 doollar maadaama xilligan ay Abaaro ka jiraan dalka iyadoo arintan uu si aad ah ula yaabay.
